Till navigation Till innehåll (s)

Skolansökan på somaliska

Imika waa wakhtigii aad codsan lahayd fadhiisinka fasalka barbaarinta iyo dugsiga hoose ee sanad dugsiyeedka 2024/2025. Codsigaaga waxa la gudbin karaa laga bilaabo Janaayo 10 ilaa 31 ka Janaayo 2024.

Codsiga waa in la gudbiyaa inta lagu jiro muddada haddii ilmahaaga:

  • uu bilaabayo fasalka barbaarinta qeybta jilaalka 2024
  • uu ka qeyb galaayo dugsi aan bixinayn fasalka xiga
  • uu rabo inuu badelo dugsiyada xataa inkastoo dugsiga imiku bixiyo fasalka sanadka xiga

Ka codso adeega elektarooniga ah

Waxaad codsan kartaa fadhiisinka inta lagu jiro mudada 10-31 Janaayo, iyo markaad codsatid inta lagu jiro mudadan waxba maleh. Tilmaam codsiyadaada dugsiyada ee adeega elektarooniga. Qaabka ugu fudud ee lagu gali karo adeega elekaroonigu waa aqoonsiga intarnadka.

Adeega elektarooniga ee codsiga dugsiga

Way fiican tahay inaad ogaatid

Waalidka masuulka ah wuxuu codsanayaa fadhiisin, laakiin labada waalidba waa inay xaqiijiyaan codsiga dugsiga. Dhammaan waalidiinta masuulka ah waxay heli doonaan macluumaadka hadda ee xaalada codsiga ee iimaylka.

Tani waa sida fadhiisinka loo qoondeeyo

Dugsiyada madaxabanaan waxay leeyihiin shuruucdooda sugitaanka galitaanka ee fadhiisinka. La xidhiidh dugsiga madaxa banaan ee la xidhiidha kahor intaanad codsan fadhiisinka dugsiga si aad u heshid macluumaad badan oo khuseeya shuruucda galitaanka dugsiga. Dugsiyada dawlada, waxaanu gaynaa carruurta iyadoo la raacayo rabitaanka qoyska iyo sharciga dhawaanshaha. Dhammaan carruurta ka diwaangashan Sollentuna waxay xaq u leeyihiin in la fadhiisiyo dugsiga dawlada. Marka loo fiiriyo Xeerkan Waxbarashada, ardeygu wuxuu xaq u leeyahay inuu galo dugsi "kudhow guriga". Laakiin maaha inaad haysatid fadhiisin la damaanaq qaaday oo dugsiga kuugu dhow ah.

Markaad sameysid codsi dugsi, waxaad galaysaa saddex ikhtiyaar oo kala duwan. Carruurta waxa loo meeleeyaa iyadoo loo eegayo rabitaanka intii macquula. Marka dugsiga dawladu buuxiyey qeybtiisa, waa sida carruurtu u nooshahay marka loo fiiriyo dugsiga oo go'aamiya cida helaysa fadhiisin. Masaafada u dhaxaysa dugsiga la rabo marka la barbar dhigo masaafada dugsiga la rabo. Dugsiga la rabo waa dugsiga ugu dhow ama ka labaad ee ugu dhow.

Så här fördelas platserna

Maxaa dhacaya marka xigta

Inta lagu jiro mudada Maarij-Abril, waxaad heli doontaa go'aanka fadhiisinka ee adeega elektarooniga. Waxaad ku heli doontaa fariinta iimayl markaad heshid go'aanka.

Miyaad u baahan tahay isticmaalka koomiyuutarka?

Markasta maktabadaha dawlada, waxaad ka daynsan kartaa koomiyuutar iyo khadka waayirleska ah. Waxaad booqan kartaa xarunta xidhiidhka dawlada ee Turebergshuset si baad u daynsatid koomiyuutar.

Dugsiyada deegaanka Sollentuna

Sollentuna, waxa ka jira ilaa sodon dugsi dawli iyo hoose oo madaxbanaan. Waxa jira dugsiyo khasab ku ah ardeyda leh naafo maskaxeed iyo dugsiyada leh fasalo borofayl ah. Waxaad ka codsan kartaa meelayn xarunta firaaqada ee barbaarinta ilaa fasalka 6.

Fasalada borofaylka

Dugsiyada qaar ayaa ku leh borofayl gaara dhammaan ama qeybo ka mida manhajka. Shuruucda galitaanka ee gaarka ah ayaa qabta halkan, tusaale ahaan imtaxaanka galitaanka. Haddii ilmahaaga la aqbalo, waxaad ka heli doontaa go'aan dugsiga. Ha ilaawin in codsiga laga diwaangaliyo adeega elektarooniga.

Dugsiyada khasabka ku ah ardeyda leh naafo maskaxeed

Dugsiga khasabka ku ah ardeyda leh naafo jidheed waa sagaal sano waxayna leeyihiin labo borofayl oo gaara. Ilmahaagu wuxuu dhigan karaa dugsi leh kaliya waajib dugsi oo ardeyda naafada maskaxeed ah ama lagu dhafay dugsiga hoose. Si aad u ogaatid waxbadan oo khuseeya nooca dugsiga iyo sida loo sameeyo codsi, fadlan kala xidhiidh maamulaha xafiiska waxbarashada taleefan ahaan 08-579 216 29. Waa Guddida Waxbarashada cida sameysa go'aanka ah in ardeyga loo ogollaado inuu galo dugsiga khasabka ah ee ardeyda naafada maskaxeed.

Kadib markaad heshid go'aanka, waxaad ka codsan kartaa fadhiisin dugsiga. Waxa jira nidaamyo kala duwan iyadooy ku xidhan tahay in ilmahaagu galaayo dugsiga khasabka ku ah ardeyda leh naafao maskaxeed ama lagu dhafay dugsiga hoose.

Anpassade grundskolan

Xarunta firaaqada

Xarunta firaaqda waxa la siiyaa carruurta dugsiga ee fasalka barbaarinta ilaa fasalka 6. Waxaad ka codsan kartaa meelayn adeega elektarooniga daryeelka carruurta dawlada. Macluumaadka waxa laga heli karaa sollentuna.se. Xarumaha firaaqdu waxay ku xidhan yihiin khidmad iyo ugu badnaan heerka la adeegsanayo. Heerka ugu sareeya macneheedu waa in khidmadu la xidhiidho dakhliga, ugu badnaan khidmada ilmihiiba ugu sareysa.

Qeybta dayrta 2024, ilmahaaga ku jira fasalka barbaarintu wuxuu heli karaa meelaynta xarunta firaaqada laga bilaabo 8 Ogos 2024 ugu horeyn.

Guriga furan

Dugsiyadu waxay bixiyaan guryo furan oo aad ku booqan kartid gusiga kuna weydiin kartid su'aalo.

Öppet hus 2024

Su'aalaha iyo xidhiidhka

Nagalasoo xidhiidh xarunta xidhiidhka taleefan ahaan: 08-579 210 00 ama iimayl: kontaktcenter@sollentuna.se

Waxaad sidoo kale booqan kartaa xarunta xidhiidhka ee galitaanka Turebergshuset, Turebergs torg 1.

Mer läsning för dig