Till navigation Till innehåll (s)
En illustration som visar ett kollage av olika skolrelaterade aktiviteter

Waa salaaman tahay waalid - qof muhiim ah ayaa tahay

Shaki kuma jiro inaad tahay qofka nolosha ubadkaaga ugu muhimsan. Waxaad sidoo kale muhiim u tahay natiijada dugsi-dhigashada ubadkaaga. Waxaan ka wabixin doonaa qaabka aan ugu hawlgalno iskuullada iyo dugsiyada xannaanadda.

Waxaad kaloo naga heli doontaa naseexooyin xiriir la leh sida aad dugsi-dhigashada ubaadkaaga u caawini karto. Si wadajir ah ayaan carruurta ugu caawin doonaa gedisocodka dugsi-dhigashada.

Dugsiga dalka Iswiidan ugu wanaagsan

Aragtideena fog waxaa weeyaan in iskuulkeenna u noqdo iskuulka dalka Iswiidan ugu wanaagsan. Sidaas darteed, maadaama aad tahay xilhaayeha xannaanadda/waalidka, door wayn oo muhim ah ayaa ka qaadan kartaa hawlgallada. Himiladayna waxaa weeyaan in aan sare u qaadno natiijadayada aqoonta, tayada iyo amniga. Sidii aan u suurtagelino himiladeenna waxaan ka tallaabo qaadaynaa cilmi-baaris iyo waayo-aragnimo heer sare ah. Waddada loo mari doono waxaan ugu yeernaa Socdaalka Dugsiga.

Socdaalka dugsiga wuxuu kaalin ka geystay horumarinta natiijada dugsi-dhigashada. Waxaan ku hanweynahay in natiijadeenna ay noqoto mid deggan oo heer sare. Waxaan rabnaa in carruurta iyo ardayda ay amni dareemaan markii ay ku sugan yihiin iskuullada iyo dugsiyada xannaanadda. Waxaan sidoo kale rabnaa in hawlgalladayana u horseedaan tayada waxbarashada oo heerka sare ah. Hadafkayagu waa in ardaydu sii wadaan horumarinta natiijada waxbarashada,

Waxaan rabnaa in iskuulkeenna u noqdo iskuulka dalka Iswiidan ugu fiican

Hadafkayagu waxaa weeyaan in dhammaan carruurta iyo ardayda ay caafimaad wanaag dareemaan. Waxaan ku dadaalnaa in aan sugno sidii dhammaan ardayda u heli lahaayeen shahaadooyin aan qabyo ahayn iyo fursado waxbarashada ku sii wataan. Macalimiinteenna iyo bareyaasheenna waxay kaashadaan cilmi-baaris, ku habboon iyo waayo-aragnimo la xaqiijiyay si ay u horumariyaan habka iyo siyaabaha ay wax u baran.

Qof muhim ah ayaa tahay

Doorka xilhaayeyaasha xannaanadda/waalidiinta

Ubadkaaga waqti cajiib ah ayaa sugayo. Waa waqti ka kooban aragtiyo iyo khibrado cusub. Bilaabida dugsiga waxa kale oo ay la macno noqon kartaa isbedel weyn oo nolosha ubadkaaga. Waxay ka dhigan tahay rajooyin badan oo laga qabo in ilmaha uu awoodo inuu keligiis wax ka qabsado. Tusaale ahaan, xajinta saacadaha dugsiga, in u fahmo tilmaamaha iyo in la socdo meelaha u waxyaalahiisa dhigtay.

Waxaan si wadajir u suurtagelin doonaa fursado wanaagsan u ubadkaaga wax ku barto oona ku horumaro. Waa mas`uuliyad wadajireed oo maamulka iskuulka iyo qoyska ka dhaxayso. Maadaama aad tahay xilhaayeha xannaanadda/waalidka waxaan rabnaa inaan kula yeelano wadashaqayn wanaagsan. Waxaan diirada saarnaa waxa ubadkaaga gaar ahaan u fiican.

Fursado heer sare ah oo loogu guulaysto looga na helo dugsiga
xannaanadda iyo iskuulka

Waxaa halkan ka akhrisan kartaa naseexooyin xiriir la leh, siyaabaha kala duwan oo aad ubadkaaga ugu caawini karto dugsi-dhigashada. Cunug kasta wuxuu leeyahay karti waxbarashadeed u gaar ah, sidaas darteed lama oran karo ilmaha oo idil waa isku karti-waxbarashadeed. Maadaama aad tahay xilhaayeha xannaanadda/waalidka waxaa aqoon gaar u leedahay kartida iyo baahida ubadkaaga.

Hab-raacyada joogto ah iyo caafimaadka

Ilmaha badidooda amni ayay dareemaan haddii ay isticmaalaan hab-raacyada joogto
ah. Baahida aasaaska ay u qabaan cuntada, hurdada iyo jir-dhaqaajiska ka sokkoow, waxay hawlaha waxbarashada u yeeli karaan hab-raacyada joogto ah. Haddii ubadkaaga iskuulka laga soo siiyay cashar u baahan in u gurigiisa ku soo akhristo, waxaa fiican in wadajir ugu heshiisaan halka iyo goorta lagu dhaqaaqi doono. Waxaad kaloo ku heshiin kartaan haddii caawinaad darteed aad ag fadhi doonto iyo in kale. Qodob kale oo fiican waxaa weeyaan in la yeesho hab-raacyada joogto ah, oo xiriir la leh qaabka lagu xusuusan doono, maalmaha isboortiga ama haddii la qorsheeyay carrogeddis gaaban.

Horumarinta luqadda

Haddii ubadkaaga aad kor casharrada ugu akhrido, wuxuu horumarinayaa kaydka
ereyada iyo mala-awaalkiisa. Haddii luqad aan ahayn af-iswiidish u qoyska ku hadlo,
waxaa kaloo fiican in la akhristo buugag ku qoran isla luqadaas. Luqadaha buugagta ku qoran badi ahaan way ka hodansan yihiin, luqadaha anaga noolol-maalmeedka aan ku hadalno. Wadajir ayaa ubadkaaga ka caawini karnaa horumarinta luqadiisa!

Inaad xiisaynayso u muuji

Ubadkaaga u muuji inaad xiisaynayso dhacdooyinka u nolol-maalmeedka la
kulmo. Tusaale waxaad waydiin kartaa haddii maalintaas u wax cusub soo bartay. Sidoo kale waxaad waydiin kartaa haddii dhacdo xiiso, xun ama lag helo maalintaas ay dhacday. Haddii hab joogto ah ugu sheekaysataan sida maalin kasta ay ahayd, waxaa dhici karto in ubadkaaga u kaaga sheekeeyo haddii u la kulmay dhacdo aan wanaagsanayn.

Marar badan dhiiri geli

Waxaad ubadkaaga ka caawini kartaa sidii u diiradda u saari lahaa horumarkiisa. Fiirogaar-sii iyo ammaan waxa u hagaagsan. Sidaas ayaa sare ugu qaadi kartaa heerka dhirigelinta, oona hoos ugu dhigi kartaa diirad saarista waxyaalaha aan shaqaynayn.

Cadaadiska iyo walwalka dugsi-dhigashada xiriirka la leh

Markii ilmaha ay ku sugan yihiin iskuulka oo aynan dareemayn caafimaad wanaag, waxaa sabab u ah dhowr waxyaalood oo kala duwan. Mararka qaarkood dhibaatada waxaa loo xiriirin karaa dugsi-dhigashada, mararka kalena waxaa laga yaabaa waxyaabo kale in ay u sabab yihiin. Waxay noqon kartaa saaxiibada, ladnaanta ama dhibaatooyinka waxbarashada, mararka qaarkood xitaa cagajuglaynta iyo xadgudubka loo geystay.

Haddii ubadkaaga u sabab darteeda caafimaadkiisa u wanaagsanayn, waxay saamayn ku yeelan kartaa dugsi-dhigashada iyo wakhtiga firaaqada. Sidaas darteed, waxaa muhim ah in wadajir aan u baarno sababta ubadkaaga u walwal iyo walbahaar u dareemayo. Xaaladdaas waxaa wanaagsan in wadahal bareha dugsiga xannaanadda ama macalinka dugsiga loola yeesho, kaddib wadajir la sahmiyo sababta u ubadkaaga xaaladdaas ugu sugan yahay.

La wadashaqaynta maamullada dugsiga xannaanadda iyo iskuulka

Wadahadalka ka arrinsashada horumarka waxbarashada ee ardayga
[Utvecklingssamtal]

Hal mar xilli-dugsiyeedka kasta waxaa la yeesha Wadahadalka ka arrinsashada horumarka waxbarashada ee ardayga [Utvecklingssamtal]. Markaas waxaad la kulmi doontaan macallinka ubadkaaga, kaddib waxaad ka wada hadli doontaan sida ubadkaaga u iskuulka ugu helo iyo halka waxbarashada maaddooyinka kala duwan ay marayaan. Waxaad ka doodi doontaan sida loo horumarin lahaa aqoontiisa kaddib ubadka waxaa la siinayaa fursad u aragtidiids ku dhibto.

Haddii macallinka u aaminsan yahay in ubadkaaga, u baahan yahay taageero dheeraad ah oo la xiriira maaddo waanu ka wada hadlin doonaa. Goobjoogista iyo waajibka dugsi-dhigashada dalka Iswiidan waa qasab. Waajibka dhigashada Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe. Dhammaan ilmaha iyo dhallinyarada da`dooda u dhaxayso 6 –16 sano oo ku nool dalka Iswiidan waxay xaq ku leeyihiin in ay iskuul dhigtaan.

Maadaam aad tahay xilhaayeha xannaanadda/waalidka, waxaa ku xilsaaran in ubadkaaga u dugsiga xannaanadda ama iskuulka tago. Haddii ubadkaaga u sabab darteeda iskuulka tegi karin, waa inaad maamulka iskuulka wargelisa sida hadba waafaqsan hab-raacyada joogto ah ee iskuulka u degsan. Dugsiga xannaanadda ma ahan qasab, laakin haddii caadi ahaan u tago oo ay jirto maalin usan tegi karin waa in ka maqnaanshada aad wargelisaan maamulka dugsiga xannaanadda.

Haddii ubadkaaga usan goobjoog ahayn oona aadan wargelin ka maqnaanshada, maamulka iskuulka ayaa isla maalintaas kula soo xiriiri doono oo ku wargelin doono ka maqnaanshada. Haddii tirada ka maqnaanshada ay badato wuxuu maamulka iskuulka la xiriir doona adiga oo ah xilhaayeha xannaanadda/waalidka, kaddib ballan kulan ayaa lagu qaban doonaa sidii lagu waydiiyo sababta ka maqnaanshada. Sida hadba ku xusan xeerka iskuullada, waxaa waajib nagu ah in aan ka maqnaanshada ku qorno shahaada ka qalinjebinta Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe ama sannaddugsiyeedka 9:aad.

Fasaxyada

Anaga waxaa noo muhimsan in dhammaan ardayda ay helaan dugsi-dhigashada ay xaqa u leeyihiin. Haddii ubadkaaga u fasax u baahan yahay waa inaad kahor u codsataa. Kaddib wuxuu maamulka iskuulka ku dhaqaaqaya qiimayn u gaar ah. Waxaa fiirogaar la siinayaa tirada maalmaha fasaxa, xaaladda dugsi-dhigashada ardayga, muhimada fasaxa ay leedahay iyo fursadda ardayga ugu kabsan karo casharrada u ka maqnaa.

Saacadaha sannad-dugsiyeedka, fasaxyada iskuullada iyo fasaxyada

Wadahadalka ka arrinsashada horumarka waxbarashada ee ardayga

Wadahadalka ka arrinsashada horumarka waxbarashada ee ardayga [Utvecklingssamtal] ee lagu qaban doono dugsiga xannaanadda, waxaad la kulmi doontaa mid kamid ah bareyaasha ilmaha. Waxaad ka wadahadli doontaan qaabka ubadkaaga u xannaanadda ugu helo, horumarka u dhinaca aqoon korsashada sameeyo. Warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqa dugsiga xannaanadda siyaabo kala duwan ayaa u heli kartaa. Waxaa lagugu wargelin karaa warqadaha toddobaadka, xogwaran, farimaha gidaarada dugsiga xannaanadda ama kulamada, goobjoog ahaan ama digitaal.

Natiijada waxbarashada ee wanaagsan

Iskuulka wuxuu ubadkaaga u gogolxaara natiijada wanaagsan ee waxbarashada, anaga wadajir ubadkaaga waxaan ku dadaalna sidii u dugsi-dhigashada ugu guulaysan lahaa.

Qiimaynta iyo shahaadada Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe

Laga bilaabo fasalka dugsiga xannaanadda ilaa sannad-dugsiyeedka 5:aad waxaa ardayda la siiyaa qiimaynta maaddo oo lagu tilmaamayo sida waxbarashada u socoto. Laga bilaabo sannad-dugsiyeedka 6:aad waxaa bilaabato in xilli dugsiyeed kasta ba ilmaha shahaado la siiyo.

Shahaadada waa cabbirka sida ubadkaaga u kaga sugan yahay shuruudaha waxbarashada u degsan Hay`adda waxbarashada. Noocyada ama heerarka shahaadooyinka waa lex; A, B, C, D, E iyo F. A waa heerka shahaada ugu sareeyso halka F u yahay heerka shahaadada ugu hooseyso. Taasoo macneheedu ay tahay in ardayga usan ku guulaysan shuruudaha waxbarashada ee maaddada u degsanayd.

Imtixaan Qarmeedka

Sannad-dugsiyeedka 3:aad, 6:aad iyo 9:aad waxay ardayda u fadhiistaan Imtixaan Qarmeedka. Imtixaanada waxaa wadajir u soo diyaariyaan Hay`adda waxbarashada iyo jaamacadaha dalka. Waxaa loo yaqaanno Nationella prov waana isla imtixaanka oo dhammaan ardayda dalka Iswiidan ku nool u fadhistaan. Imtixaan Qarmeedka
wuxuu macalimiinta ka caawinayaa sidii si cadaalad ku salaysan u bixiyaan shahaadadooyinka.

Barashada akhrinta iyo qorista iyadoo farsamada digitaalka la
adeegsanayo

In iskuullada degmada Sollentuna laga adeegsado farsamada digitaalka, waa waxyaalaha maamulku u xoog saaro. Sidaas darteed, ayaa caadi ahaan iskuullada degmada loo adeegsada farsamada digitaalka. Iyadoo qaab wax barid cusub iyo cilmibaaris la adeegsanayo, ayaa waxaa la abuuri karaa fursado ka wanaagsan oo ardayda ku bartaan wax akhriska iyo qoraalka.Tani waxay ka dhigan tahay in arday badan ay si fudud wax u bartaan oo ay u gaaraan hadafkooda. Dowladda hoose Sollentuna waxay farsamada digitaalka u isticmaasha hab xilkasnimo, ujeedo iyo yool laga leeyahay.

Iskuul u arday kasta amni ku dhigan karo

Gundhigga heybadda

Dugsiyada xannaanadda iyo iskuullada waxay leeyihiin hadaf dimuqraadi ah. Waxaan dhiirigelineynaa bay`ad ay dhammaan carruurta ku dareemaan amni iyo ixtiraam. Waxaan carruurta barnaa in dadka oo idil ay isku qiimo yihiin iyo xuquuq laga wada siman yahay. Waxa kale oo ay ka dhigan tahay in qof kasta uu xaq u leeyahay in uu ka fikiro waxa uu rabo iyo in si caddaalad ku salaysan loola dhaqmo. undhigga heybaddaha ugu muhimsan:

  • Aadanaha oo idil waa isku heybad.
  • Dhammaan ilmaha/ardayda dugsiyada xannaanadda iyo iskuullada way isixtiraamaan.
  • Dhammaan shaqaalaha, ilmaha iyo ardayda waxay wadajir mas`uul ka yihiin
    in ay helaan bay`ad waxbarasho oo fiican.

Amni iyo xasiloonida waxbarashadaAnag

a waxaa muhim noo ah amniga iyo xasiloonida waxbarashada. Waa qodob mudnaanta koowaad laga siiyo dhammaan dugsiyada xannaanadda iyo iskuullada anaga maamulno. Qodobada waxay ilmaheenna ka caawinayaan helista caafimaad wanaag iyo sidii dugsi-dhigashada ay ugu guulaysan lahaayeen. Waxaan rabna in amniga iyo xasiloonida waxbarashada aynan marna ka maqnaan geedisocodka dugsi-dhigashada.

Sidaas darteed, ayaan u diyaarinay qorshe arrintaan u gaar ah. Shaqaalaha dugsiyada xannaanadda iyo iskuullada ayuu xilka ugu wayn saaran yahay in ay hubsadaan in qof kasta u tixgeliyo qorshaha degsan. Sidoo kale maadaama aad tahay xilhaayeha xannaanadda/waalidka waxaad tahay qof muhim ah. Waxaad ubdkaaga ka caawini kartaa in u fahmo iyo in wadajir aad dhaqan u gelisaan bay`adda waxbarashada oo heer sare ah.

Waxaan ka hortagna falalka awood sheegashada ku salaysan

Maamulka degmada Sollentuna wuxuu hab firfircon ugu hortaga dhammaan falalka awood sheegashada iyo meelkadhaca ku salaysan. Iskuullada ay Dowladda hoose maamusho waxaa laga adeegsadaa barnaamij la magacbaxay Olweus-programmet. Waa barnaamij cilmibaaris ku salaysan. Hawlgallada barnaamijka waxaa kamid ah hirgelinta bay`ad dugsiyeed oo amni leh oo ardayda aqoon ku kororsan karaan kana helaan. Diirada waxaa aad loo saara kalgacal, danayn iyo xad u yeelid qeexan. Barnaamijka waxaa kaloo ka faa`iidaystaan macalimiinta iyo bareyaasha, sidii ay u maarayn lahaayeen dhacdooyinka awood sheegashada ku salaysan.

Awood sheegasho, amni iyo takoorid

Dhammaan ilmaha iyo ardayda waa in caawinaad la siiyaa

Taageero gaar ah, hagida waxbarashada iyo wax ku barida afka hooyo.

Taageero gaar ah

'Dhammaan ilmaha iyo ardayda waa in caawinaad la siiyaa. Cunug kasta shaqsiyad gaar ah ayuu leeyahay. Sidoo kale waxay leeyihiin baahi iyo fursado u gaar ah oo ay sida ugu fiican wax ku bartaan. Maamulka iskuulka waxaa xil saaran in u sugo in ubadkaaga u helo bay`ad waxbarashado iyo wax barid ku habboon.

Anaga waxaa waajib nagu ah in aan ubadkaaga ka caawino sidii u horumar heer sare ah ku samayn lahaa. Sidaas darteed, ayaan la qabsiin u samayna haddii loo baahdo. Haddii macalimiinta ilmahaaga ay qiimeeyaan in ilmahaaga u baahan yahay taageero dheeraad ah, waa in maamulka iskuulka u sida ugu dhaqsi badan arrintaas xal ugu hela. Waa nidaam khuseeya iskuullada Dowladda hoose maamusho iyo kuwa gaar ahaanta loo maamulo ee degmada Sollentuna.

Haddii ubadkaaga u si fudud ugu guulaysan karin shahaadada hal maaddo, waxaa dhici karto in loo baahdo taageero gaar ah. Xaaladdaas maamulka iskuulka waa in u bilaaba baaritaanka baahida taageerada gaarka ah loo qabo. Haddii natiijada
baaritaanka ay noqoto in taageero gaar ah u ardayga u baahan yahay, waa in maamulka iskuulka u barnaamij gaar ah ardayga u dejiya. Ardayga iyo adiga oo ah xilhaayeha xannaanadda/waalidka waxaa la idin siin doonaa fursad oo aad ugu qayb gashaan qaabka loo dejin doono barnaamijka tallaabo ka qaadista.

Markii maamulka iskuulka aad wadahadal la yeelanaysaan, waxaad ka warbixin kartaan aragtida aad xaaladda iskuulka ka leedihiin, kartida iyo dhibaatooyinka ardayga, waxaana u soo jeedin kartaan talo xiriir la leh tallaabo ka qaadis. Sidii barnaamijka u ku noqdo mid lagu guulaystay, waxaa cilmibaaris lagu xaqiijiyay in micno wayn ay leedahay in ardayda iyo xilhaayeha xannaanadda/waalidiinta ay qayb firfircoon ka qaataan dejinta barnaamijka tallaabo ka qaadista. Maamulka iskuulka waxaa xilsaaran in u hirgeliyo wadashaqayn oo ka dhaxeeya maamulka iskuulka iyo qoysaska oo heer sare ah.

Go`aanka nooca taageerada ilmaha la siin doono waxaa gaara agaasimaha dugsiga. Waxay noqon kartaa mid ku saabsan taageero gaar maaddo ama waxbarid. Ardayga wuxuu heli karaa caawinaad iyo taageero muddo gaaban ama xilliga u iskuulka dhiganayo oo idil.

La qabsiin dheeraad iyo taageero gaar ah 

Ilmaha aan rabin in ay iskuulka tagaan

Ilmaha qaarkood ma rabaan in ay iskuulka tagaan. Xaaladdaas waa inaad sida ugu dhaqsi badan la xiriirto macallinka, waa haddii aad dareento in ubadkaaga usan iskuulka ka helin. Wadajir ayaa ugu wada hadli kartaan baahida iyo xaaladda u ubadkaaga ku sugan yahay. Waxaan hirgelin karnaa qaab oo aan ku kordhino dareenka ka helista iyo amniga.

Hagista cashar aqrisashada, ubadkaaga ma ku hadlaa luqad aan ahayn af-iswiidish? Ubadkaaga dhibaato miyuu kala kulma dugsi dhigashada, mana ku adag tahay in shuruudaha waxbarashada lagu helo shahaadada fiican ee hal maaddo ama maaddooyinka? Xaaladdaas waxaan ku ogeysiinaynaa in maamulka iskuulka u mas`uul ka yahay in ubadkaaga u caawinaad helo. Hab lagu caawino karo waxaa weeyaan iyadoo afkiisa hooyo lagu siiyo hagista waxbarashada.

Hagaha waxbarashada

Ubadkaaga luqad aan af-iswiidish ahayn miyuu ku hadlaa? Ubadkaaga maku adag tahay in casharrada u ku qaato af-iswiidish, sidoo kale maku adag tahay in u ku guulaysto imtixaanka hal ama dhawr maaddooyin? Xaaladdaas waxaad ogaataan in maamulka iskuulka u mas`uul ka yahay in ubadkaaga u casharrada ka caawino. Hab wax looqa qaban karo waxaa weeyaan iyadoo u hagaha waxbarashada afkiisa hooyo ku caawino.

Afka hooyo

Hagaha waxbarashada ka sokkoow gooni ahaan ayaa ardayga casharrada afka hooyo lagu siin karaa. Maadaama ubadkaaga u si fiican ugu hadlo afka hooyo, hab
fudud ayuu luqadaha kale ku baran karaa. Casharrada afka hooyo lagu qaato waa maaddo gaar ah. Sidoo kale wuxuu leeyahay qorshaha koorso u gaar ah iyo shuruudo waxbarashada u gaar ah. Haddii aad rabto in ubadkaaga casharrada afka hooyo lagu siiyo waa inaad u codsato.

Afka hooyo ka codso - Centrum för integration och flerspråkighet i Sollentuna

Adeegyada caafimadka ee ilmaha- iyo ardayda

Adeegyada caafimadka ee ilmaha- iyo ardayda waxay suurtagelinayaaan in ay helaan dhakhtarka iskuulka, kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga, La taliyeha arrimaha bulshada [Kurator], Aqoonyahanka cilminafsiga/saykoolojist iyo tallaabo ka qaadista/ waxkaqabadyada barid oo gaar ah. Hawlgalladooda waxay ku salaysan yihiin kahortegid iyo sare u qaadka caafimaadka iyo taageero horumarka ardayda ee hadafka dugsi-dhigashada.

Waaxda daryeel-caafimaadeedka ardayda waa qaybta caafimaadka oo ka kooban kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga iyo dhakhtarka iskuulka. Waxay la socdaan caafimaadka iyo horumarka ardayda, waxay siiyaan talo ku saabsan hab-noololeedka caafimaadka u roon. Waxaa kalo laga hela fursadaha tallaalka.

Caafimaadka ardayda (Elevhälsan)

Isboortiga wuxuu muhim u yahay caafimaad wanaagga iyo xoog saarista

Aadenaha caafimaad wanaag ayuu dareema haddii u dhaqdhaqaaq sameeyo oona hab firfircoon jir-dhaqajis sameeyo. Hab fudud ayay garaacista wadnaha iyo wadnaha u shaqaynayaan, tan kale wax kasta way noo fududaanayaan. Waa sidaas qofka ha ahaado qof wayn ama carruur. Sidaas darteed isboortiga waa maaddo muhim ka ah jadwalka waxbarashada. Maamulka iskuulka wuxuu kaloo ku dadaala in dhaqdhaqaaqa iwm maalin kasta siyaabo kala duwan loga dhaqaaqo iskuullada. Waxay ilmaha ka caawinayaan fahmida muhimda ah leedahay jirdhaqaajiska.

Taageerada waalidiinta loogu talagalay

Ahaanshada qof waalid ah mararka qaarkood way adkaan kartaa. Degmada Sollentuna waxaa laga hela taageerada waalidiinta. Taageerada waalidiinta waxaa laga hela Xafiiska Maamulka adeegga bulshada waana lacag la`aan. Noocyada taageerara waxaa kamid ah: • Taageero gaar ahaan ah hal waalid loogu talagalay.

  • Taageero koox ahaan waalidiinta loogu talagalay.
  • Tababarka waalidiinta.
  • Talo-siin iskuullada iyo dugsiyada xannaanadda loogu talagalay.

Taageera waalidiinta (Föräldrastöd)

Mer läsning för dig