Cookies på den här webbplatsen används för att förbättra för dig som besökare och att optimera av webbplatsen. Läs mer om cookies

CIFS-Somaliska

Dela på sociala medier
Tipsa
Kontakt

 

Xarunta isdhexgalka iyo luqadaha ee Sollentuna

waa qayb ka mas’uul ah qaabilaadda dhexe ee ardyda dalka ku cusub, barashada afka hooyo, taageerada  waxbarashada ee iskuulada degmada iyo kuwa gaarka ah ee Sollentuna.Sidoo kale waa xirfado shaqo oo kala duwan, sida madaxa qaybta, iskuduwaha, dhaktarka cilmi nafsiga, macilimiinta afka hooyo, dhakhtarka iskuulka iyo kalkaalisada ka shaqaynaysa qaybta qaabilaadda.Xaruntan waxay ku casuumaysaa qoysaska ardaydoodu ku cusub yihiin dalka, kulan hordhac iyo warbixin ah, waxaa weliba intaa dheer in ardayga laga hubinayo caafimaadkiisa oo ay ka qayb qaadanayaan aqoonyahanno u samaynaya qorshe.Meelaynta ardayda dugsiyada ku cusub waxaa habaynaya xarunta CIFS.Howsha CIFS waxaa kaloo ka mid ah in ay taageerto shaqaalaheeda ka howl galaya dugsiyada qaabilaya ardayda dalka ku cusub.

Publicerad: 2 augusti 2017